Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland aya waxa ay sheegayan in maanta halkaasi uu gaaray wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya.

Wadiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo uu ugu horeyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa waxaa la geeyay Madaxtooyada maamulka Jubbaland ee Magaalada Kismaayo halkaas oo Kulamo ay uga socdaan wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamulka Jubbaland.

Ujeedka maanta uu Magaalada Kismaayo u gaaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay ololihiisa Doorashada.

Amaanka Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa maanta aad loo adkeeyay waxaana amaanka iska kaa shanaya Ciidanka Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!