Muqdisho, Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan saraakiil katirsan ciidamada qalabka sida ayaa maanta kormeer howleed ku tagey xarunta wasaaradda gaashandhiga e Soomaaliya, isla markaana soo kormeeray qeybaha kala ay ka kooban tahay Wasaaradaasi oo dayactir ballaran lagu sameeyey.
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo kormeerkiisan ugu kuurgalayay xaalada ciidanka xoogga dalka iyo qaabka ay u shaqeeyaan talisyadooda ayaa hadal u jeediyay saraakiisha iyo ciidamada uu la kulmay ugu horeyn la dardaarmay ciidamada mileteriga dardaarankaasoo ku aadan ka dhabeynta waajibaadka ay Dabka u qaateen iyo hab la dhaqanka bulshada Soomaaliyeed
Madaxweynaha ayaa u sheegay dhinaca kale saraakiisha xoogga dalka inay Ciidanka ku hogaamiyaan wadada saxda ah, si meesha looga saaro heeryada argagaxisada weli kuharsan goobo cayiman, isagoo tilmaamay in dowladu ay dadaal dheer u geli doonto sidii ay ciidamadu u heli lahaayeen xuquuqdooda.
Intii maanta madaxweynuhu booqanayey wasaaradda gaashaandhiga ayaa waxaa aad loo sugay amaanka iyadoo la xiray wadooyin farabadan oo qaarkood aad uga fogyihiin wasaaradda gaashaandhiga.
Mareeg.com