Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta booqday Dekeda Yokohama ee Japan (Sawirro)

Read Time:52 Second

Mareeg.com-Madaxwenaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalntii labaad booqasho ku jooga dalka Japan ayaa maanta tegay Dekadda magaalada Yokohama oo ka mid ah dekedaha ugu casrisa dalkaas.

Madaxweynana Xasan Sheekh Maxamuud oo tegay xarunta ciidamadda Ilaalada Xeebaha dalka Japan ee ku taala gudaha Dekadda ayaa halkaasi warbixin ku aadan qaabka loo tababaro ciidamada iyo sida ay u howlgalaan ku siiyeey saraakiisha ciidamada ilaalada Xeebaha dalka Japan.xasan_yojohama

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa maanta booqday Xarunta Hey’ada Japan u qaabilsan Badaha ( Nippon Foundation) isla-markaana kulan la qaatay Madaxda Hey’ada“Qorshaheennu wuxuu yahay in aan doorano meelaha aanu dooneyno in Dowladdu Japan naga caawiso, Soomaalia waxay leedahay xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika waa ineynu baranaa sidii aanu uga faa’iideysan lahayn iyo sidii aanu u difaacan lahayn” ayuu yiri Madaxweynahu.
xasan_yojohama_port
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa loo sameeyey casho sharaf ay ka qeyb galeen, Wakiilka Dowladda Japan u qaabilsan Wadamadda Afrika, Xildhibaano ka socday Dolwadda Japan iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkan Japan.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %