Madaxweynaha Soomaaliya oo laga sugayo Baledeyne * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya oo laga sugayo Baledeyne

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas looga diyaar garoobay soo dhaweynata madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo saaka gaaray degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Wariyaasha ku sugan Hiiraan ayaa soo sheegaya in mas’uuliyiinta maamulka gobolkaas, saraakiisha ciidamada Soomaaliya, AMISOM iyo odayaashu ay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha, iyadoo halkaas laga sugayo madaxweynaha oo marka uu ka duulo Ceelbuur la rajeynayo inuu tago Baledweyne.

Amaanka magaalada Baledweyne ayaa aad loo adkeeyey, waxaana goobaha muhiimka ah iyo wadooyinka la dhigay ciidamo farabadan, iyadoo la xiray goobaha ganacsiga ee saran wadada laamiga h.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu maamulka iyo waxgaradka Baledweyne kala hadlo xiisad colaadeed oo ka jirta Hiiraan gaar ahaan deeganada Deefow iyo Kabxanley, taasoo markii dambe keentay in mid ka mid ah labada beelood ee dagaalamay ay rabshado kala hortimaado ciidamada Jabuuti ee halkaas nabad ilaalinta u jooga.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!