Madaxweynaha Soomaaliya Oo La Kulmay Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka

Madaxweynaha cusub Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed ayaa la kulmay Madaxda maamul Goboleedyada dalka jira waxaana ay ka wada hadleen sidii loola shaqeyn lahaa Madaxweynaha cusub  islamarkaana Madaxda maamul Goboleeyada ay qeyb uga noqon lahaayeen howlaha horumarinta dalka.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay sida ay uwada shaqeyn karaan Madaxda maamul Goboleedyada iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble Siyaad oo Faahfaahin ka bixiyay kulanka ay la qaateen Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Farmaajo uu Casuumay Madaxda maamul Goboleeyada.

Kulanka ay wada qaateen Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxaa ka maqnaa Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

 

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia