Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Uganda (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Uganda (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, iyadoo kulankan uu qaatay saacado, waxaana labada Madaxweyne ay ku falan-qeeyeen arrimo dhowr ah.

IB0A8415

Labada Madaxweyne ayaa si gaar ah uga hadlay xiriirka labada dal, arrimaha ammaanka, iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada milatari ay Uganda siiso dowladda soomaaliya.

IB0A8435

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arimaha la dagaallanka Argagixisada, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo Uganda ay tahay dalka ugu badan ee Ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howl galka Midowga Afrika ee AMISOM.

 

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa dhinaciisa balan qaaday in dowladdiisa ay xoojineyso taageerada iyo xiriirka saaxibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya.

 

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ammaanay doorka Ciidamada Uganda ka qaateen howl galka AMISOM.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!