Madaxweynaha Soomaaliya oo kusii jeeda xarrunta Midowga Yurub * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya oo kusii jeeda xarrunta Midowga Yurub

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmuud oo shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho, isagoo kusii jeeda dalka Biljimka.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh dalka Biljimka uga qeybgelayo shir uu soo qaban qaabiyey Midowga Yurub loogana hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gelinkii dambe ee shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa ku sii wajahan magaalada Brussles ee caasimada Buljimka, ahna xarrunta Midowga Yurub.

Shirkaasi ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Midowga Yurub, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la filayo in shirka ka jeedo khudbad kaga hadlayo xaaladda dalka iyo dadaallada ay dowladdu ugu jirto ciribtibtirka argagixisada Shabaab.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!