Muqdisho – (Mareeg.com): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka la filayaa iney gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose, halkaasi oo ay si weyn uga socoto qabanqaabada soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha.
Magaalada Kismaayo ayaa saaka waxaa ka socota qaban qaabada soo dhaweeynta madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayo inuu maanta gaaro magaaladaasi.
Garoonka magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sii qulqulaya dadweeyne aad u farabadan oo ay horkacayaan mas’uuliyiinta maamulka Jubba, waxaana wadooyinka magaaladaasi la suray calanka Jamhuuriyada iyo sawirada Madaxweynaha.
Ammaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo ciidamadu ay taaganyihiin dariiq kasta islamarkaana baaraya gaadiidka iyo dadka ay ka shakiyaan, waxaana wadooyinka waa weyn ee magaaladaasi safan dadweeyne farabadan oo ruxaya calanka Jamhuuriyada.
Shalay ayaa waxaa magaalada Kismaayo gaaray wafdi horudhac u ah booqashada madaxweynaha ee magaalada Kismaayo, kaasoo ay la socdeen ciidamo fara badan oo qaabilsan amaanka madxweynaha.
Waa markii ugu horeysay ee madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo Kismaayo ee xarrunta gobolka Jubada Hoose muddo 22 sano ah, iyadoo magaaladaasi ka mid tahay magaaalooyinka ugu xasaradah badan dalka Soomaaliya.
Mareeg.com