Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kulan Xasaasi Ah La Qaatay Madaxweynaha Dalka Uganda + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kulan Xasaasi Ah La Qaatay Madaxweynaha Dalka Uganda + Sawirro

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay  dhigiisa Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni  iyada oo kawada hadlay arrimo ay kamid yihiin siideeynta Soomaali ku xirn xabsiyad dalkaasi, kuwaasi oo ku eedeysan falal Argagixisnimo.

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Abdi Nuur Maxamed oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo markuu soo dhamaaday kulankii qaxootiga loogu hadlay ee lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda uu kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalka Uganda Yoweri Museveni, iyagoona kawada hadlay arriimaha Soomaliya sida amniga, iyo sidii Uganda ay u sii deyn laheyd Soomaali ku eedeysan dambiyo kala duwan oo ku xiran xabsiyadda dalkaas.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Abdi Nuur Maxamed  oo ah Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya  in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kaga mahadceliyay dhigiisa dalka Uganda kaalinta dib usoo celinta Nabadda Soomaaliya uu ka qaadanayo,madaama wadanka Uganda uu yahay dalkii ugu horeeyay ee Ciidamo usoo dira dalka Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo farabadan oo ku howlgalla Magaca AMISOM kuwaas oo dowlada Soomaaliya ka taageera dagaalka ay kula jirto Ururka Al Shabaab.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!