Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ku Wajahan Jabuuti
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta berri ah ay booqasho ku gaaraan dalka Jabuuti.
Safarka uu ku gaaraayo Madaxweyne Farmaajo dalka jabuuti ayaa waxaa qeyb ka noqonaya Wasiiro , Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ku gaaraayo dalka jubaati,iyadoo booqashadan ay salka ku heyso xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Labada dal iyo guud ahaan arrimaha gobolka.
Comments are closed.