Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kismaayo Kulamo Kula Qaatay Maamulka Juba Iyo Waxgradka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kismaayo Kulamo Kula Qaatay Maamulka Juba Iyo Waxgradka

Kismaayo – (Mareeg.com): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdii uu hogaaminayay oo shalay gaarey magaalada Kismaayo ayaa kulamo la qaatay madaxda maamulka KMG ah ee Jubba iyo qeybaha bulshada gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanki ugu horeeyay la qaatay mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba oo uu horkacayay gudoomiyaha maamulkaasi Axmed Madoobe ayuu kala hadlay nabadeynta deegaannada Jubbooyinka iyo qaabkii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii dhawaan lagu soo gaaray magaalada Adis Ababa.

Sidoo kale madaxweynaha iyo maamulka Jubba ayaa waxa ay ka wada hadleen shir la filayo dhawaan in loo qabto beelaha dega Jubbooyinka kaasoo lagu soo afjarayo maamulka KMG ah ee Jubba.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xalay kulan la qaatay gudiga ganacsatada magaalada Kismaayo waxeyna ganacsatadu warbixin ka siiyeen madaxweynaha sida uu u socdo habka ganacsigooda.

Madaxweynaha ayaa ganacsatada u sheegay dhibaatada ka dhalankarta xaalufinta dhirta iyo dhoofinta dhuxusha, iyadoo Kismaayo ka mid tahay meelaha sida xooga leh looga dhoofiyo dhuxusha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanat booqdo goobo ka tirsan magaalada Kismaayo, waxaana la filayaa in isla maamta uu madaxweynuhu la kulmo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee deegaanada Jubbooyinka.

Booqashada madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu wadaa iney manta soo gebabgebowdo, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay ee madaxweyne Soomaaliyeed tago Kismaayo tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!