Muqdisho, October 7, 2013:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay booqasho ku tegay magaalada Jowhar oo uu webiga Shabeelle ku fatahay ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka iney Kaalmo deg deg ah u fidiyaan muwaadiniinta uu sameeyay Fatahaada Webiga Shabeele.
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh. Maxamud ayaa shalay Jowhar u tegay si uu u qiimeeyo Khasaaraha uu geystay fatahaada Webiga Shabeele, iyo inuu u muujiyo shacabka taageridda Dowladda.
“Waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan dal ama dibad in ay si deg deg ah uga soo gaaran wallaalahooda dhibaateysan.” Sidaa waxaa yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
“Sidoo kale waxaa ka codsanayaa in kaalmo deg deg ah ay la soo gaaraan degaanadda ay mucjisadan qabsatay. Xiliyadda adag oo ay jiraan dhibaatooyinka waa in aan is garab istaagnaa oo aan hal meel uga soo wada jeesano anaga oo hal umad ah.”
Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyay Xildhibaano, Wasiiro, Gudomiyaha Gobolka Shabeeladda Dhexe, Heyada Bisha Cas ee Turkiga, Hey’adda Gargaarka ee Qatar, Masuuliyiin ka socday Isu taga Imaraadka Carabta, iyo rugta ganacasiga Soomaaliya.
Mareeg.com