Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Qaraxii Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Qaraxii Muqdisho

Muqdisho-11-12-2016- Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaga tacsiyadeeyey Qoysaska, Qaraamabada iyo dhammaan shacabaka Soomaaliyeed qaraxii maanta kooxada nabad diidka ay ka geysteen Muqdisho.

“Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi Raajucuun, qoysaska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan kaga tacsiyadeynayaa dadkii ku dhintay qaraxii maanta kooxha nabad diidku ka geysteen agagaarka dekadda Muqdisho.

Waxaan Eebbe kaga baryayaa inuu janadii fardowso ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna Allaah caafimaad deg deg ah siiyo” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamadda Ammaanka inay iska kaashadaan sidii loo cirib tiri lahaa kooxahahaani sida gaarka ah u bartilmaameydsanaya goobaha shacabka .

Ugu dambeynti, Madaxweynaha ayaa ku amray ciidamadda ammaanka inay sii laba-laabaan dedaalkooda ku aadan inay shacabka ka ilaaliyaan weerarada Kooxaha Nabad diidka u geysanayaa islamarkaana , wuxuu madaxweynaha kaga mahad-celiyey ciidamadda sida ay uga hortageen weeraro dhowr ah oo shacabka lala damacsanaa.

–Dhammaad–

Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: shadorhaji@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!