Madaxweynaha Soomaaliya Oo Jecel In Alshabaab Lagu Soo Afjaro Sanadka 2014 * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Jecel In Alshabaab Lagu Soo Afjaro Sanadka 2014

Addis Ababa – Mareeg.com: Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud ayaa jecel in sanadka 2014 noqdo xilliga Alshabaab laga ciribtirayo Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan oo ku sugan dalka Itoobiya oo uu uga qeybgelayo shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa xusay inuu ku hanweyn yahay in Alshabaab lagu soo gebagebeeyo sanadka hadda socda ee 2014.

Wuxuu tilmaamay madaxweyne Xasan in sanadkaan uu ku bilowday qorshe xoog leh oo ka dhan Alshabaaab, iyagoo kaashanaya saaxibadooda, wuxuuna sheegay iney ku qasbeen Alshabaab in meel ay ku nastaan kuna dhuuntaan.

“Waxaan Alshabaab saareynaa cadaadis milateri, iyadoo uu barbar socdo dagaalka xagga kekirka ah, howshaan, waa in aan soo af-jarnaa sanadkan 2014” ayuu Xasan Sheekh Maxamuud.

Ma cadda sida lagu hirgelin doono yadiilada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo Alshabaab weli awood badan ku leeyihiin dalka Soomaaliya, inkastoo ay la dagaallamayaan ciidamo ka kala socda dhowr dalka Afrikaan iyo ciidamada Soomaaliya.

Afhayeen Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage oo dhawaan ka hadlay golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ee la doonayo iney qabtaan howladda dowladda u yaalla ee amaanka iyo la dagaallanka Alshabaab qeyb weyn ka tahay ayaa sheegay ineysan waxba soo kordhin doonin, wuxuuna ku tilmaamay wasiirradaas kuwa ka doqonsan sida uu yiri kuwii hore.

Sidoo kale, Cali Dheere ayaa tilmaamay ineysan wax dheraad ku keeni doonin dagaalka ka socda dalka ku biiridda ciidamada Itoobiya ee howlgalka AMISOM.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!