Madaxweynaha Soomaaliya Oo Itoobiya Ugu Ambabaxay Shir Madaxeedka Afrika * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Itoobiya Ugu Ambabaxay Shir Madaxeedka Afrika

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba baxay dhanka magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Ethiopia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb galaya shir-madaxeedka 22-aad ee hogaamiyeyasha Midiwga Afrika ay ku yeelanayaan magaalada Addis Ababa, kaasoo la filayo inuu beri ka furmo Addis Ababa.

Shir-madaxeedka Midowga Afrika oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo xilligaan qaaradda ka taagaan oo colaaduhu ka mid yihiin iyo sidoo kale horumarka qaaraddu dooneyso iney higsato sanadaha soo socda.

Gelinka dambe ee maanta ayaa Addis Ababa lagu soo gabo gabeyn doonaa shirka gogol-xaarka ah ee wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka Midowga Afrika oo shalay halkaasi kurmay, laguna diyaarinayey ajandayaasha la horgeynayo madaxda Qaaradda.

Waxaa horay magaalada Addis Ababa ugu sugnaa wafdi ka socda Soomaaliya oo uu hogaaminayey wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo ay u tahay markii ugu horreysay oo isagoo xilkaas haya haya ka qeybgalao shir ceynkaan ah.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!