Madaxweynaha Soomaaliya oo Imaaraadka Carabta uga qeybgelaya shir ku saabsan Burcad Badeeda

Read Time:38 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu kaga qeybgalayaa shir heer caalami ah oo looga hadlayo Arrimaha burcad badeeda Soomaaliya.

Shirka oo lagu qabanayo magaalada Dubai ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan beesha caalamka kuwaa oo ka hadli doono arrimo la xiriira shufta badeeda iyo sida loo cirib tiri karo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo shirkaasi looga hadlayo burcad badeeda Soomaalida iyo sidii wax looga qaban lahaa falalka afduubka ah oo ay ka geysanayaan xeebaha Soomaaliya iyo biyaha caalamiga.

Bishii September ee sanadkii tagay ayaa shir midkan la amid ah lagu qabtay isla magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka, iyadoo la doonayo in la soo afjaro dhibaataada kooxaha burcad badeedka.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %