Madaxweynaha Soomaaliya oo Guddoomiye Cusub u magacaabay Gobolka Hiraan+Akhriso
Muqdisho (Sh M Network)–Degreeto ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu magacaabay Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan.
XEER MADAXWEYNE LR. 87 TAARIIKH: 19/12/2015
MAGACAABIS GUDDOOMIYAHA GOBALKA HIIRAAN
MADAXWAYNAHA J.F.S
Markuu Arkay : Qodobka 87aad, Xarafka ‘C’, Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee
Dastuurka J.F.S.
Markuu Arkay : SharciLr. 116 eesoobaxay Ogosto 6, 2013 kunasaabsansharcigamaamullada
DegmooyinkaiyoGoballadadalka
Markuu Tixgaliyey : Soo jeedintaWasiirkaArrimahaGudahaiyoFederaalka Ref: WAG & F/XW/0281/15 ee
December 19, 2015 kuna saabsan xilkaqaadis Guddoomiyaha Gobalka Hiiraaniyo Soojeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Ref: WAG & F/XW/0282/15 ee December 19, 2015 kuna saabsan magacaabis Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan
Markuu Garwaaqsaday : in ay jirto baahi loo qabo in Gobalka Hiiraan loo magacaabo Guddoomiye cusub iyada oo waafaqsan qaabka dhisidda Maamullada Gobollada Iyo Degmooyinka dalkasi ay mustaqbalka u dhismaan Dowlad-goboleedyo Dastuurka waafaqsan
WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:
Qodobka 1aad
Waxa xilka laga qaaday Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cabdifataax Xasan Afrax, waxaana mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) loo magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan
Qodobka 2aad
Waxa uu Xeerkaan u dhaqangelayaa si degdeg ah marka uu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda JFS.
MUQDISHO: 19/12/2015
Madaxweynaha J.F.S
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
XEER MADAXWEYNE LR. 86 TAARIIKH: 19/12/2015
MAGACAABIS CAASIMAD GOBALEEDKA MAAMULKA KMG AH EE HIIRAAN IYO SHABBEELLADA DHEXE
MADAXWAYNAHA J.F.S
MarkuuArkay : Qodobka 87aad, Xarafka ‘C’, Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee Dastuurka J.F.S.
MarkuuArkay : SharciLr. 116 ee soo baxay Ogosto 6, 2013 kuna saabsan sharciga maamullada Degmooyinka iyo Goballadadalka
MarkuuTixgaliyey :Dareenka dadweynaha iyo Soo jeedinta odoyaasha Dhaqanka iyo siyaasiyiinta kasoo jeedo
ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe
MarkuuGarwaaqsaday: in ay lagamamaarmaantahayilaalintawadajirkashacabkaSoomaaliyeediyo
xallinta khilaafaadyada iyo in ay jirto baahi loo qabo dhisidda Maamullada Gobollada Iyo Degmooyinka dalkasi ay u dhisman Dowlad- goboleedyo Dastuurka waafaqsan
WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:
Qodobka 1aad
Waxauu Madaxwaynaha J.F.S ansixiyay laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay19/12/2015 in Magaalada Buulaburdeoo ka mid ah degmooyinka Gobalka Hiiraan ay noqoto CaasimaddaMaamulka KMG ah ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay yeelanayaan.
Qodobka 2aad
MagaaladaJowharoo ah magaalomadaxdaGobalkaShabeelladaDhexeayaanoqoneysaMADASHA marti-galineysashirkamaamul-dhisashadaGoballadaHiiraaniyoShabeelladaDhexe.
Qodobka 3aad
Sagaashan (90) cisho gudahood buu maamulka cusub ee Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe dhistaan ugu guuridoonaa magaalo madaxda maamulka oo ah Buuleburde.
Qodobka 4aad
Waxauu Xeerkaan dhaqan gelayaa markauu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa Faafinta Rasmiga ah Dowladda JFS.
Comments are closed.