Madaxweynaha Soomaaliya Oo Guddi U Saaray Shaqaaqooyinkii Shalay Muqdisho Ka Dhacay + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Guddi U Saaray Shaqaaqooyinkii Shalay Muqdisho Ka Dhacay + Sawirro

Shirka Todabaadlaha ahaa ee Golaha Ammaanka qaranka oo uu guddoominaayey Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagaga hadlay Shaqaaqadii dhex martay qaar ka mid ah ciidamada Xoogga Dalka.

Madaxwayne Farmaajo ayaa arrinkaan u saaray guddi xaqiiqo raadin ah oo uu madax u yahay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal C/xakiin Daahir Siciid (Saacid).

Taliye Saacid  oo ay wehelinayaan Wasiirka Amniga Dowladda Faderaalka ah, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyeyaasha Ciidamada Nabad-sugidda iyo Milateriga ayaa isla markiiba soo kormeeray labadii goobood ee ay ka dhacday is-rasaasaynta, iyaga oo halkaas warbixinno kaga dhagaysteen saraakiil ka tirsan ciidamada.

Kormeerka kaddib waxaa si wada jir ah ula hadlay warbaahinta talis-yada Ciidamada Nabad-sugidda iyo Milatariga oo ku tilmaamay dhacdadaan mid fool xun oo laga xumaado, iyaga oo  xaqiijiyey in gacanta lagu hayo dhammaan dadkii ku lug lahaa falkan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!