Madaxweynaha Soomaaliya oo goor dhow gaaray magaalada Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya oo goor dhow gaaray magaalada Kismaayo

May 7 (Mareeg) Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose, halkaasoo ay kaga qeyb galayan xaflada caleema saarka Baarlamaanka Jubba oo dhowaan doortay Guddoomiye iyo labo kuxigeen.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, waxaana loo gelibiyay Madaxtooyada Kismaayo.

Goor sii horeysay waxaa Kismaayo ka degay Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Kenya, kuwaasoo iyana ka qeyb galaya xaflada caleema saarka Baarlamaanka Jubbaland.

Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in amniga magaalada si aad ah loo adkeeyay, isla markaana la xiray wadooyin badan.

Sidoo kale waxaa iyana la filayaa inay gaaraan Kismaayo wakiilo ka socda Beesha Caalamka, kuwaasoo iyana goob joog ka noqon doona caleema saarka Baarlamaanka Jubba.

Waxaa kaloo ku sugan Kismaayo Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey, sidoo kale maamulka Koofur galbeed ayaa xubno ka socda ay ka qeyb geli doonaan caleema saarka Baarlamaanka Jubba.

Baarlamaanka KMG ah ee Jubba oo dhowaan la soo xulay ayaa ka kooban 75 xildhibaan, hase ahaatee waxaa jiray cabashooyin iyo dhaliilo loo jeedinayay habka lagu soo xulay, iyadoo Mudanayaal ka tirsan Baarlamaankana ay ka soo horjeesteen dhismaha baarlamaankaas oo aan loo marin hab waafaqsan awood qeybsiga iyo heshiiskii Addis Ababa.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!