Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Sharma-sheekh ee dalka Masar (Sawirro)

Read Time:42 Second

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shirka Madaxda Jaamacada Carabta.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay magaalada Sharma Sheekh Madaxweynaha Masar C/fataax Al-Sisi, iyagoo kulan gaar ah wada qaatay.madaxweyne_xasan

Shir madaxeedka Jaamacada Carabta ayaa si gaar ah waxaa looga hadlayaa qalalaasaha Yemen iyo howl galka Sacuudiga hogaaminayo uu ka bilaabay dalkaas.

Dalalka Carabta ayaa taageero u muujiyay Sacuudiga, iyagoo badankood ku taageeray diyaarado dagaal iyo taageero kale, waxaana laga yaabaa in howl galkan uu qaato maalmo.
madaxweyne1
Dowladda Masar ayaa u diri doonta gacanka cadmeed maraakiib dagaal, si ay howl galka ka dhanka ah xuutiyiinta kaga qeyb qaataan.

Soomaaliya ayaa soo dhoweysay howl galka Sacuudiga hogaaminayo ka socda Yemen, waxaana dowladda Soomaaliya ay arrimaha Yemen kaga hadashay war saxaafadeed ay soo saartay.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.