Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Baledweyne * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Baledweyne

Mareeg.com: Wefid uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manta duhurkii kadib gaaray magaalada Baledweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan, iyagoo ka tegay degmada Ceelbuur ee gobolka oo ay saaka tageen.

Wafdiga madaxweynaya ayaa kamid ah wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha, safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Dayib Dubad Roobel, Xildhibaano Barlamaanka Soomaaliya ka tirsan, Taliyiyaasha xoogga dalka iyo Sirdoonka iyo Nabad sugidda iyo xubno kale, waxaana wefdiga markii ay duhurnimadii maanta gaareen magaalada Beledweyne si weyn u soo dhoweeyay xubnaha maamulka iyo qaar kamid ah bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ujeedada Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga la socda u gaareen halkaas ayaa lgu sheegay iney la xiriirto u kuur galidda xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku nool dadka gobollada dhexe ee dalka.

Madaxweynaha iyo wafidigiisa ayaa bilaabay kulamo ay leeyihiin xubnahama maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada AMISOM iyo odayaasha dhaqanka, waxaana waxyaabaha laga wada hadlaya ka mid ah colaad beeleed ka jirta Hiiraan iyo rabshado rasaas gaaray oo lagala hortegay ciidamada AMISOM ee ka socda Jabuuti.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.