Madaxweynaha Soomaaliya Oo Cambaareeyey Qaraxa Ka Dhacay Boosaaso

Read Time:41 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa aad u dhaleeceeyay una diray tacsi dhamaan muwaadiniintii ku geeriyootay qaraxii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaaladda Boossaaso ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxda weerarka geystay looga guuleystay dagaalka toos ah, islamarkaana ay qaraxyo maciin bideen.

“Argagixisada waxaa looga guuleystay dagaalkii ay kula jireen umadda Soomaaliyeed, hadana waxeey bilaabeen in ay shacabka Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan in ay laayaan, Insha Allah waan ka guuleysan doonaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ku bogaadinyaa in hal meel ay uga soo wada jeestaan ciribtirida cadawga Soomaaliya.” ayuu sidoo kale yiri madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in qaraxaas ku dhionteen 7 qof a oo ciidan iyo shacab isku jira, sidoo kalena dhaawacu isna yahay 37 ruux.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %