Madaxweynaha Soomaaliya Oo Booqasho Rasmi Ah Ugu Ambabxay Dalka Turkiga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Booqasho Rasmi Ah Ugu Ambabxay Dalka Turkiga

Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xlay u dhoofay dalka Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Turkiga mudane Cabdalla Guul.

Labada madaxweyne ayaa yeelan doona kulan ay kaga wada hadlayaan xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo mashaariicda horumarineed oo ay dowlada turkiga ka wado Soomaaliya.

Madaxweynaha soomaaliya ayaa inta uu ku suganyahay dalka Turkiga waxa uu kulamo kala gadisan la qaadan doonaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka mid ah dowlada turkiga.

Turkiga ayaa Soomaaliya usoo gurmaday sanadkii 2011 oo abaar xoog leh ku dhufatay deegaano badan oo ka mid ah dalka, wixii xilligaas ka dambeeyana wuxuu kor u qaaday taagerada uu siinayo Soomaaliya.

Marka laga reebo mashaariicda waxbarasho iyo caafimaad ee Turkigu ka wado Soomaaliya, haddana wuxuu xilligaa Muqdisho ka wadaa dhismaha labo waddo oo laami ah mid cusub yahay midna dib loosoo bilaabayo.

Laga bilaabo Isgoyska Korontada ilaa Isgoyaska baar FIAT ee magaalada Muqdisho ayaa laamiga mara oo burbursanaa Turkigu dib u dhis weyn ka wadaa, sidoo kale waxaa Turkigu bilaabay dhismaha laami cusub oo ka bilaabanaya Isgoyska Koronta, islamarkaana tegaya ilaa deegaanka Jazeera ee xeebta dhanka koonfureed ee magaalada Muqdisho.

Shirkado laga leeyahay dalka Turkiga ayaa lagu wareejiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Dekeda oo ah Labada ilood ee daqliga ugu badan ka soo galo dowladda Soomaaliya.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!