
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Suudaan waxaana lagu wadaa in todobaadka soo socda uu u ambabaxo Magaaladda Khartuum ee dalka Suudaan.
Wasiiru Dowlada Madaxtooyada Somaaliya C/qaadir macalin Nuur, ayey warbaahinta Gudaha Sudan ka soo xiganeysaa safarka Madaxweyne Farmaajo, Isagoo Heshiisyo la soo saxiixan doona Madaxweynaha Sudan, Omar Hassan Ahmad al-Bashir.
Madaxweyne Farmaajo, waxaa safarkiisa ku wehlinaya Wasiiro katirsan Xukuumada Somaliya iyo qaar kamid ah la taliyayaashiisa.
Safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Suudaan ayaa noqonaya Safarkii 2-aad uu ku tago dalka Sudaan,madaama sanadkii 2017-kii uu dalkaas tagay xiligaas oo la geeyay dadkii ku dhaawacmay qaraxii isgoyska Zoobe.