Madaxweynaha Soomaaliya Oo Baaritaan Caafimaad U Tegay Dalka Turkiga

Istanbul – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arrimo caafimaad u gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Inj. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa xaqiijiyey in madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu sababo caaafimaad u aaday dalka Turkiga.

Inj. Yariisow ayaa xusay in madaxweynuhu uu shaqo joogto ah ku jiro sanad iyo bar ku dhawaad, islamarkaana todobaadkaan uu fursad kooban u helay in caafimaadkiisa lagu baaro dalka Turkiga.

“Madaxweynuhu muddo sanad iyo bar ah ayuu hawlo culus ku jirey, saacado badan ayuu shaqeeyaa, maadaama xukuumad cusub ay la wareegtey xilka isla markaana hawlo badan looga fadhiyo ayuu fursad u heley in uu caafimaadkiisa soo baaro todobaadkaan” ayu yiri Yariisow oo la hadlay VOA.

Injineer Yariisow ayaa sheegay in caafimaadka madaxweynuhu yahay mid fiican, hase ahaatee lagu sameynayo baaritaan guud oo uusan sheegin mudada uu qaadan doono.

Madaxweynaha ayaa sii maray dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo kaddibna safarkiisa sii watay, islamarkaana gaaray dalka Turkiga.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Xasan debadda u aado arrimo caafimaad tan iyo markii xilkaas loo doortay bishii September ee sanadkii 2012.

Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245