Madaxweynaha Soomaaliya oo Addis Ababa u jooga ka qeybgalka shirka madaxeedka Afrika

Read Time:38 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa ka degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kaga qeybgelayo kulan madaxeedka Midowga Afrika.

Maadaxweynaha oo wafdigiisa ay ku wehliyaan mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan ayaa shirka Midowga Afrika ka sokow la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda Afrika qaarkood, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyo diblomaasiyiin kale oo shirka ka qeybgalaya.

Shir madaxeedka Midowga Afrika ee dalka Ethiopia ka dhacaya ayaa la filayaa in lagu lafaguri doono arrimo badan oo ay ugu hooreyso doorka Haweenka qaaradda Afrika.

Horay waxaa Addis Ababa u joogay wasiirka xilka wareejitana ee arrimaha debadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka qeybgalay shirkii gogol-xaarka ah ee wasiirrada arrimaha debadda Afrika.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.