Madaxweynaha Somaliland Oo U Kicitimay Dalka Faransiiska * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Somaliland Oo U Kicitimay Dalka Faransiiska

Hargeysa – Mareeg.com: Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa maanta u ambabaxay dalka faransiiska, waxaana madaxweynaha safarkiisa ku weheliya xubno ka mid ah golihiisa wasiiradda.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa sidoo kale socdaal ku tegi doona dalka Ingiriiska.

Madaxwayne Siilaanyo oo intii aanuu garoonka Hargeysa ka dhoofin saxaafada la hadlay ayaa sheegay iney martiqaad ka heleen dalka Ingriiska, islamarkaana wafdigiisa kusoo biiri doonaan wasiiaro ka ah

“Wafdi aan hogaaminayaa waxay u anba baxayaan wadanka Faransiiska, halkaas oo aanu ka helnay marti qaad rasmi ah, waxaana nagu soo biiri doona wasiirka arimaha debada, wasiirka madaxtooyada iyo wasiirka ganacsiga” ayuu yiri Axmed Siilaanyo.

“Wadanka Faransiisku waa dal weyn oo xiriir inaga dhaxeeyo, waana dal aynu doonayno inaynu sii kordhino wax qabadka inaga dhaxeeya dhinaca dhaqanka, dhinaca nabad galyada iyo dhinacyada kale ee loo baahan yahay, marwalba inaynu siyaasadeena fidino oo aynu dunida la xirirno kordhisana wada shaqaynta aynu la leenahay dalalka waaweyn si dunida kale iyo xiriirkeenu u noqdo mid wax ku ool ah, markaas marti qaadkaas aad ayaan ugu faraxsanahay waxaanan ku rajo weynahay inuu noqdo martiqaad wax dhala” ayuu sidoo kale yiri Madaxweyne Siilaanyo.

“Safarkayga Faransiisku dhinac walba wuu taabanayaa, dawlada Faransiiskuna waa dawlad weyn oo dawladaha Yurub ka mid ah waana wadan aynu doonayno inaynu xoojino xidhiidhkeena, shirkado Faransiis ah ayaa doonaya inay wax ka qabtaan dekeda Berbera oo ay maal gashadaan, Faransiiskuna waa dal maalgashi badan dunida ku leh markaas wixii aynu wada qabsan karnaba waynu qabsanaynaa” ayuu yiri madaxwayne Siilaanyo.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!