Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo magacaabay Golihiisa Wasiirada (Akhriso) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo magacaabay Golihiisa Wasiirada (Akhriso)

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goor dhoweyd magacaabay Golihiisa Wasiirada cusub oo ay ka dhex muuqdaan xubno cusub.

Wasiirada la magacaabay ayaa gaaraya 23 Wasiir iyo 9 Wasiir kuxigeen, waxaana afar ka mid ah ay ka tirsanaayeen Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo.

Dr. Sacad Cali Shire ayaa mar kale ku soo laabtay xilkiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, halka Yaasiin Faratoon oo Xukuumaddii Siilaanyo ka ahaa Wasi
irka Arrimaha Gudaha ayaa loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa soo magacaabin Wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiirka Duulista Hawada oo loo badinayo inuu dib ka soo magacaabi doono.

Magacaabida Golaha Wasiirada cusub ee Somaliland ayaa ku soo aaday maalin kaddib markii Madaxweyne Muuse Biixi uu xilka la wareegay, lana dhaariyay.

Halkan ka Akhriso Wasiirada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!