
Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta lagu wadaa in xilka loo dhaariyo, lana caleema saaro, iyadoo munaasabad uu xilka kula wareegayo ay ka dhici doonto Madaxtooyada Hargeysa.
Xafladda Caleema saarka ayaa waxaa ka soo qeyb galaya Marti sharaf kala duwan oo lagu casuumay xaflada, waxaa ka mid ah Safiiro, Diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha xilka degaya Axmed Siilaanyo ayaa xilka ku wareejinaya Madaxweynaha cusub Muuse Biixi Cabdi
Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin
Muuse Biixi Cabdi ayaa noqonaya Madaxweynihii 5aad ee ay Somaliland yeelato, waxaa 13-kii bishii hore ee November loo doortay xilka, kaddib doorasho adag oo ka dhacday deegaanada Somaliland.
Somaliland ayaa sanadkii 1991-dii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, hase ahaatee wali ma aysan helin wax aqoonsi ah, balse waxaa lagu ammaanay in nabad, xasilooni siyaasadeed iyo dimoqraadiyad inay ka jirto deegaanada ay ka arrimiso.