Hargeysa, Mareeg.com: Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley madaxa hay’adda UNDP ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. George Conway.
Warsaxaafadeed kaso baxay madaxtooyada maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in kulanka Axmed Siilaanyo iyo George Conway uu ahaa mid isbarasho ah, iyadoo socdaalka sarlkaan ahaa kii ugu horeeyey eek u tago Somaliland.
Mr. George ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horaysay ee uu Somaliland yimaado, isla markaana uu aad ula dhacay horumarka iyo waxqabadka ay Somaliland ku talaabsatay.
Madaxda UNDP Somaliad wuxuu maamulka iyo shacabka Somaliland ku amaanay wada shaqaynta ka dhaxaysa, taasi oo uu sheegay in ay xoojin-doonto wada shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland iyo UNDP, uuna laban laabi doono shaqada loo soo igmaday ee uu u tegay Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa u sheegay Masuulkan in ay ka Somaliland ahaan ay wada shaqayn buuxda la yeelan doonto hay’addaha Qaramada Midoobay iyo beesha caalamkaba una rajeeyey madaxan cusub ee UNDP in ay wada shaqayntii hore uga dhaxaysay ay halkaasi ka sii anba qaadi-doonaan, xaga UNDP-na sidoo kale ay ka rajaynayaan wada shaqayn buuxda.
Mareeg.com