Madaxweynaha Somalia “Al-Shabaab nagama hor-istaagi karaan Horumarka

Read Time:1 Minute, 4 Second

mareeg.com-Muqdisho 08 November 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa si kulul u cambaareeyey falkii
qaraxa ee caawa kooxaha nabad-diidka ay ka geysteen Hotel Maka-Al-Mukurama
oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweynaha ayaa yiri “Si kulul baan u cambaareyneynaa falkan waxashnimada
ah ee kooxaha argagaxisada Al-Shabaab ay ka fuliyeen wadada Maka Al
Mukurama oo ay dad Alan waxaa gala scan ay qaarna ku dileen, kuwana ku
dhaawaceen. Ujeedadoodu waa shacabka geliya argagax oo yeysan Horumarka
socda sii wadin. Laakin, waxaan si cod sheer ah ugu sheegeynaa nagama
hor-istaagi kartaan Horumarka, nabadda iyo maamul wanaaga aan ku
tallaabsanay, waana ku sii dhiiraneynaa Isla markaana aan sii labo
jibaareynaa dadaalka Horumarka, nabadda iyo maamul wanaaga.”

Madaxweynaha oo tacsi u diary shacabka ayaa yiri ” Innaa Lillaahi wa inaa
Ileyhu Raajicuun, waxaan halkan tacsi ugu dirayaa dhammaan shacabka
Soomaaliyeed gaar ahaan eheladii, iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen intii ku
dhimatay Falkan qaraxa oo ay gacan ka gardaran dishay. Sidoo kale dhammaan
inta dhaawaca ah waxaan EEBBE uga baryayaa inuu dhaawacooda u fududeeyo oo
ay dhaqso uga kabtaan dhaawacooda.”

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay shacabka inay gacan siiyaan
hay’adaha Amniga si loo soo afjaro dagaalka lagula jiro kooxahan nabad-
diidka ah.
– DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %