Madaxweynaha S/Land Oo Amaro Dul Dhigay Wasiirada Maamulkaasi

Read Time:39 Second

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu soo warramayaa in Awaamiir culus uu dul dhigay Golaha Wasiirada ee maamulkaasi.

Warsaxaafadeed uu soo saaray madaxweyne Biixi ayaa looga mamnuucay Wasiirada Soomaaliland in ay la hadlaan Warbaahinta.

Arrintaan ayaa timid, kadib markii xubno ka tirsan Golaha Wasiirada maamulkaasi ay siyaabo kala duwan uga hadleen heshiiskii Dekedda Berbera.

Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha Soomaaliland ayaana la sheegay in uu ka carooday arrimahaasi, islamarkaana uu soo saaray amaradan, si looga hortago in Wasiiradu ay ka hadlaan heshiiskaasi.

Tan iyo markii ay Soomaaliland, dowladda Itoobiya iyo Shirkadda DP World wada saxiixdeen heshiiska Dekedda Berbera ayaa waxaa soo baxaya dhaliilo ay Soomaaliland kala kulmeysay heshiiskaasi.

Waxaana dhawaan si cad uga horyimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo sharci darro ku tilmaamtay heshiiska Dekedda Bebera ee S/land.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %