Madaxweynaha Puntland oo kala diray madaxdii gobolka Bari & golihii deegaanka Boosaaso * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Puntland oo kala diray madaxdii gobolka Bari & golihii deegaanka Boosaaso

Mareeg.com: Madaxweynah maamulka Puntland C/weli Maxamad Cali Gaas ayaa maanta xilkii ka qaaday gudoomiyaha gobalka Bari C/samad Maxamad Gallan, oo xilkaas muddo hayey.

Madaxweyne Gaas ayaa xilka gudoomiyaha gobolka Bari u mgacaabay Yuusuf Maxamed Wacays oo ku magac dheer “Dhedo”.

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee gobolka Bari ayaa loo magacaabay, Axmed Cali Cabdullaahi, halka Axmed Xaaji Maxamed Axmed loo magaacabay gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee gobolkaas

Sidoo kale, madaxweynaha maamulka Puntland, C/weli Gaas kala diray golihii deegaanka Boosaaso, isla markaana xilkii ka qaaday duqii degmadaas, Xasan Cabdalla Xasan.

Duqa degmada Boosaaso ayaa si KMG ah loogu magacaabay Maxamed Siciid Shabeele, halka Qaasim Cabdiraxmaan Caluuke loo magacaabay ku xigeenka 1-aad ee duqa degmadaas.

Madaxweyne Gaas ayaa wasaaradda arrimaha gudaha  Puntland faray iney muddo 45 cisho ah kusoo dhisto gole deegaan oo tayo leh.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa maalmahaan ku sugnaa magaalada Boosaaso, halkaasoo marara badan Alshabaab weerarro ka geysteen.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!