Madaxweynaha Puntland oo u ambabaxay Itoobiya

Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u duulay dalka Itoobiya oo lagu martiqaaday shir caalami ah.

Wefdiga Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah Wasiiro iyo saraakil ka tirsan madaxtooyada, waxaana lagu wadaa in ay ka qaybgalaan Shirka Tana Forum oo sanadkii mar la qabto.

Shirka Tana Forum ayaa markii u horeysay sanadkii hore lagu casuumay Madaxweyne Cabdiweli Gaas, waxaana looga hadlayay arrimaha dhaqaalaha iyo amaanka ee Qaaradda Africa.

Madaxweynaha maamulka Puntland, C/weli Cali Gaas ayaa ku laalaabta dalka Itoobiya, iyadoo maamulkiisu sheego inuu halkaas uga qeybgalo shirar, madaxdana kula soo kulmo.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245