Madaxweynaha Puntland oo u ambabaxay dalka Taliyaaniga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Puntland oo u ambabaxay dalka Taliyaaniga

Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u ambabaxay dalka Talyaaniga.

Gaas oo warbaahinta kula hadlay Garowe oo u ka dhoofay ayaa sheegay inuusocdaalkiisa uga jawaabayo martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Talyaaniga.

Wuxuu sheegay in muddada uu joogo dalkaas uu mas’uuliyinta dalkaas kala hadli doono arrimo ku saabsan horumarinta Puntland. 

Sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Puntland, wasaarada Arrimaha dibada dalka Talyaaniga ayaa madaxweyne Gaas iyo Wafdigiisa ku casuumtay in ay ka qayb galaan shir looga hadlayo arrimaha Geeska Africa.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in socdaalkiisu uu qaadan doono muddo dhowr maalmood ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.