Madaxweynaha Puntland oo socdaal ku maraya deegaanadii lagula dagaalamay Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Puntland oo socdaal ku maraya deegaanadii lagula dagaalamay Alshabaab

Madaxweynaha Puntland, Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hoggaaminayey ayaa subaxnimadii hore ee maanta ka baxay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa isla maanta oo Arbaca ah lagu soo dhaweeyey magaalada Jarriiban ee Bariga Gobolka Mudug.

Waftiga Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirro, Xildhibaano, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland, waxaana ka qayb-qaatay soodhoweynta Madaxweyna Maamulka Gobolka Mudug, kan Degmada Jarriiban, odayaal dhaqameed, xubno ka tirsan labada gole ee dawladda iyo boqollaal kamid ah dadweynaha ku dhaqan Degmada Jarriiban ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Puntland ayaa soo dhoweynta kadib kulan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka Degmada Jarriiban waxaana uu sheegay in socdaalkiisu uu ku qotomo sidii uu ugala qayb geli lahaa ciidamada Puntland iyo dadweynaha ku dhaqan degmada Jariiban guulihii ay ciidamada difaaca ee Puntland kasoo hooyeen al-Shabaabkii ku soo duuley Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in guulihii laga gaarey dagaalkii lala galnay argagixisada alshabaab ay sabab u ahayd midnimada shacabka Puntland islamarkaana loo baahan yahay in dadka Puntland ay kawada shaqeeyaan sidii ay siwada jir ah ugu adkayn lahaayeen Midnimada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadley maxaabiistii la qabtey ayaa sheegay in kuwa yar-yar ay xanaaneynayaan oo hanuuniyayaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka ay Puntland kula jirto ururka argagaxisada ah ee alshabaab uu yahay bilow isla markaana loo baahan yahay dadka Puntland in ay kaalintooda qaataan, sidoo kalena ciidamada Puntland-na ay sii laba jibbaari doonaan heeggankii ay ugu jireen difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda.

Booqashada Madaxweynaha Puntland ayaa imaaneysa maalin kadib markii saldhigga ciidamada Puntland ee Garacad ku dhawaaqeen in ay soo afjareen sifeyntii al-Shabaabkii ku soo duuley Puntland.

IMG_2935

IMG_2958

IMG_2965

IMG_2969

IMG_2971

IMG_2984

IMG_3002

IMG_3005

IMG_3027

IMG_3035

IMG_3051

IMG_3064

IMG_3090

IMG_3094

Mareeg Media 2016

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!