Madaxweynaha Puntland oo shaaciyay qabashada Doorasho qof iyo Cod ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Puntland oo shaaciyay qabashada Doorasho qof iyo Cod ah

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo hadal ka jeeninayey munaasabad loogu dabaal dagayey sanadkii labaad markii loo doortay xilkan ayaa ka hadlay arrimo ku aadan maamulkiisa iyo horumarada uu gaaray.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa ku faanay in muddada uu xafiiska joogay uu wax badan qabtay ammaanka, dhaqaalaha iyo dib u dhiska ciidamada Puntland.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in haatan maamulkiisa uu qorsheynayo inuu qabto deegaan oo qof iyo cod ah, taas oo ku tartamayaan illaa 10 urur siyaasadeed

Madaxweynaha Puntland ayaa carabka ku dhuftay in llaa saddex degmo laga qaban doono doorashadaasi oo noqoneyso tii ugu horreysay oo nooceeda ah.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in tani ay caddeyn u tahay horumarka ay Puntland ka gaartay dimuquraadiyadda iyo nidamka xisbiyada badan.

Puntland oo da’ahaan ka weyn dowlad goboleedyada kale ayaa sanadihii u dambeeyey ku tallaabsaneysay horumar dhinacyo kasta leh oo uu ugu muhiimsan yahay dib u dhiska.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More