Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland ee Soomaaliyeed Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibbadda dalkaasi Kenya Marwa Aamina Maxamuud.
Kulanka ayaa ka dhacay Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kiinya. Waxaanay kawada hadleen arrimo ay kamid yihiin sidii laysaga kaashan lahaa amniga, Qaxootiga faraha badan ee Soomaaliyeed ee kudhaqan dalkaasi Kenya iyo Xawaalada Soomaalida oo dhowaan ay Xayiraad kusoo rogtey dawladda Kenya.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wasiirka kala hadlay sidii laysaga kaashan lahaa adkaynta ammaanka Geeska afrika loona soo afjarilahaa xagjiriinta al-shabaab oo adeegsanaya magaca diinta islaamka oo ay been ka sheegayaan si’ay amni darro iyo khal-khal uga abuuraan geeska afrika.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u sharaxay Wasiirka Arrimaha Dibbadda Dalkaasi Kenya Horumarka iyo Nabad-gelyada kajirta Puntland, waxaana uu ka dalbaday in ay dhinacooda ka qey-qaataan iyagoona dalka ka samaysanaya maalgashi.
Kulankii ay wada yeesheen Madaxweynaha Puntland Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas iyo Wasiirka Arrimaha Dibbadda Dalkaasi Kenya Amina Maxamuud ayaa waxaa uu kusoo dhammaaday guul, is afgarad , waxaana Waxaana laysla qaatay in meel looga soo wada jeesto cadowga geeska Afrika oo ay ugu horeeyaan kooxaha xagjirka ah ee Al-shabaab.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalinta arbacada ah ka amba-bixidoona Magaalada Nairobi ee dalka Kenya isagoo ku sii jeeda Magaalada Roma ee caasimadda dalka Talyaaniga halkaas oo uu marti-qaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaasi talyaaniga ayna kaga wada hadli doonaan arrio badan oo laxidhiidha horumarka Puntland, Soomaaliya.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.