Madaxweynaha Puntland oo magacaabay guddi baara dilkii shaqaalaha UNODC * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay guddi baara dilkii shaqaalaha UNODC

Gaalkacyo – Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kadib markii uu kulan deg deg ah la yeeshay xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland iyo taliyaha ciidamada difaaca Puntland Gen. Siciid Dheere, waxaa uu magacaabay guddi heer qaran ah oo soo baadha dilkii magaalada Gaalkacayo loogu gaystay 7-dii bishaan saraakiil ka tirsan Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan ladagaalanka maandooriyayaasha iyo denbiyada ee UNODC.

Gudigaas oo ka kooban 5 xubnood ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay Wasiirka Amniga Puntland, Xasan Cisman Alloore, waxaana xubno ka ah saraakiil ka tirsan ciidanka Difaaca iyo kuwa sirdoonka ee Puntland.

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad tacsi u diray eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen labadaasi masuul ee ka tirsanaa QM, waxuu kaloo balan qaaday madaxweynuhu inuu fududayn doono qaadida maydkooda, xoojina doono shaqaalaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Puntland.

Guddigii Madaxweynuhu u Magacaabay baadhitaanka shilkaasi waxay kala yihiin sidan hoos ku qoran.

1. Xasan Cisman Allore Wasiirka Amniga Puntland (Guddoomiye)

2. Cali Xaaji Warsame- Wasiirka Waxbarashada Puntland

3. Siciid Maxamed Xirsi-Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland

4. Maxamed Siciid Maxamed – Taliyaha Ciidamada Booliska

Puntland

5. Cabdi Xasan Xuseen-    Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Puntland.

Meydka labadan shaqaalaha ee u kala dhashay dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa waxaa gudaha garoonka diyaaradha Gaalkacyo ku toogtay askari ilaalada garoonka, waxaana shalay diyaarad UN-ku leeyahay meydkooda ka qaaday halkaas.

—-DHAMAAD—

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!