Madaxweynaha Puntland Cabdiwlei Gaas oo gaaray Kismaayo

Read Time:39 Second

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 03-03-2015 gaaray magaalo Madaxda maamulka Jubbland ee Kismaayo.

Wasiiro katirsan xukuumada maamulka Puntland, Isimo, Xildhibaano, Waxgarad ayaa qeyb ka ah wefdiga uu hogaamaaminayo Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo casumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in maamulk goboleedka Puntland iyo Maamulka Jubbaland ay ku midaysan yihiin adkaynta midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed si looga baxo dhibka muddo badan soo jiitamayey ee kajira Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa ay gaareen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka Jubaland iyo dadweynaha aad u badan.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.