Madaxweynaha Puntland Oo Kulan Albaabadu U Xiran Yihiin La Yeeshay Golaha Wakiillada
Garowe – Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa maanta qado sharaf u sameeyey Xildhibaanada Golaha Wakiillada maamulkaas oo dhaawaan u doortay xilka madaxweynaha.
Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiim Camey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Saciid iyo inta badan Xildhibaanada Puntland ayaa ka qeybgalay qadada, waxaana markaas dhacay kulan saxaafadda loo diiday.
Wararka Mareeg Media ka heleyso magaalada Garowe ayaa sheegaya in kulanka maanta loog hadlay arrimo dhowr, sida wada shaqeyn dhex marta madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada.
Qodobada kale ee laga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa wada-tashi uu Madaxweynuhu baarlamaanka kala sameeyey xukuumadda cusub ee laga sugayo in uu dhowaanta soo dhiso.
Arrimaha kale ee looga wada hadlay kulanka maanta dhex maray xildhibaannada Baarlamaanka Puntland iyo Madaxweyne C/weli Gaas ayaa waxaa kamid ahaa qorshaha dowladda cusub ee sanadka 2014.
Madaxweynaha cusub ee Puntland C/weli Gaas ayaa laga sugayaa inuu maalmaha soo socda ku dhawaaqo golihiisa wasiirada.
Mareeg.com
Comments are closed.