Madaxweynaha Puntland oo ku laabtay Garowe kadib booqashadii Itoobiya & Yemen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Puntland oo ku laabtay Garowe kadib booqashadii Itoobiya & Yemen

Garowe – Mareeg.com: Madaxweynaha mamulka Puntland Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayey oo safaro shaqo ugu maqnaa dalalka Itoobiya iyo Yaman ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garowe si weyn ugu soo dhoweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Cabdi-xakiin Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey , Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, iyo saraakiisha sare ee ciidamada.
Dadweyne aad u fara badan ayaa iyaguna ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Garowe, waxayna si weyn uga qayb qaateen soo dhoweynta Madaxweyne Gaas iyo wafdiga uu hogaaminayey.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa markii uu tagay xafiiskiisa madaxtooyada Garowe waxa uu warbaahinta uga war-bixiyay shirkii arrimaha amaanka looga hadlayay ee ka dhacay dalka Itoobiya iyo sidoo kale safarkiisii uu ku tagay dalka Yaman.
“Shirkii TANA Form ee looga hadlaayay arrimaha amaanka dalalka Africa ee ka dhacay Magaalada BAHAR-DAR ee dalka Ethiopia, waxa uu ahaa shir muhiimad weyn ugu fadhiya Puntland, waxaana kasoo baxay waxyaalo muhiimu ah xasilinta amaanka dalak ku yalla gobolk iyo dhamaan Africa” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdi-weli Gaas waxa uu sidoo kale warbaahinta uga waramay kulamdii uu lasoo qaatay madaxda sare ee Dawladda Yaman
“Madaxda sare ee Dawladda Yaman si wanaagsan ayay noo soo dhoweeyeen, waxaanu ka wada hadalnay in xiriirka labada dhinac la adkeeyo, isla markaana lala dagaalamo arga-gixisada iyo burcad badeeda oo iyaga laftooda dhibato ku haya, si wanaagsan ayaanuna isula qaadanay arrintaas” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Madaxweynaha Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayo safaradii ay ku tageen dalalka Itoobiya iyo Yaman waxaa ay qayb ka ahaayeen tallaabooyinka ay xukuumaddu u qadayso dhinaca horu marka iyo adkaynta xiriirka ay Puntland la wadaagto dalalka caalamka. Xogta: Xafiiska madaxweynaha maamulka Puntland

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!