Madaxweynaha Puntland Oo Goordhow Gaaray Magaalada Kismaayo + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Puntland Oo Goordhow Gaaray Magaalada Kismaayo + Sawirro

Waxaa Goordhow Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah Maamulka Jubbaland gaaray Wafdi ballaaran uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali.

Wafdiga uu hogaaminayay Madaxweyne Gaas ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo iyadoona ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa hada waxaa ku sugan Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira sida Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ,iyagoona halkaasi uga qeyb galaya Shir looga hadlaayo Siyaasada maamul Goboleedyada Dalka ka jira waxaana lagu wadaa in Shirkaasi uu maalinta beri ah ka  furmo Kismaayo.

Amaanka Magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana amaanka iska kaashanaya Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuw AMISOM.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!