Garowe, Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud “Faroole” ayaa cambaareeyey weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Boosaasoo, kaasoo ay ku dhinteen ku dhwaad 10 ruux oo u badnaa rayid.
“Waan cambaarayneynaa falkaas; iyo ciddii fuliysey; iyo ciddii ka dambeysey iyo cidddii ku faraxday intaba….Ilaahey cadaabtii hakaga aarsado…” ayuu yiri Faroole.
Madaxweynaha ayaa dhinaca kale tacsi u diray dadka ay eheladooda qaraxaas waxyeelladu kasoo gaartey, wuxuu sidoo kale Ilaah ka baryey inuu u naxariisto dadka dhintay kuwa dhaawaca ahna caafimaad deg deg ah siiyo.
Faroole ayaa ugu baaqay dadka reer Puntland in ay midnimadooda sii xoojiyaan, islamarkaana ay meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo ammaanka iyo nabadgelyada khatar gelin karta.
‘’Waxaan ku kalsoonhaya midnimada reer Puntalnd iyo sida ay hal meel uga soo wada jeesteen cadowgooda” ayuu yiri Faroole.
Waxa uu sheegay Faroole in 7 qof ay ku dhinteen oo ciidan iyo shacab isku jira, sidoo kalena dhaawacu isna yahay 37 ruux.
Qaraxa maanta magaalada Boosaaso ka dhacay oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey, waxaa fuliyey qof isa soo miidaamiyey, waxaana lala bar-tilmaameedsaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo ka tiran kuwa badda ee Puntland ee ay tababartay shirkadda SARACEN.
Mareeg.com