Madaxweynaha Puntland oo booqday ciidamada Alshabaab kula dagaalama buuraleyda Galgala * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Puntland oo booqday ciidamada Alshabaab kula dagaalama buuraleyda Galgala

Boosaaso – Mareeg.com: Madaxwaynaha maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta socdaal aan horay loo shaacin ku tagay goobaha ay ciidanka difaaca Puntland kaga sugan yihiin deegaanka Galgala, halkaasoo ay kula dagaalamaan Alshabaab.

Waxaa Gaas socdaalkiisa ku weheliya wasiiro, xildhibaano iyo saraakiisha amniga maamulka Puntland, wuxuna ciidanka daraawiisha ee Galgala ku sugan ku dhiirigaliyay inaysan habeen iyo maalin ka saaxan sidii Alshabab looga sifayn lahaa buuraha Galgala oo ay mudo ka badan saddex sano dagaalo ka wadeen.

Madaxwaynaha ayaa inta uusan tagin Galgala waxa uu tagay magalada Carmo halkaasoo si diirran loogu soo dhaweeyay wuxuna sheegay inay ka go’an tahay sidii hormarka iyo ammaanka looga shaqayn lahaa.

Puntland oo Somaliland ku eedeysay taageeridda Alshabaab

Wasiirka Amniga Puntland, Xasan Cismaan Aloore oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in madaxwaynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo uu Alshabab kusoo hoggaamiyay deegaano ka tirsan Gobalka Sanaag ee Puntland.

“Dunida oo dhan way ogtahay waana qar iska xoornimo, Siilaanyo wuxuu hadda ku darsaday in uu Al-shabaab soo hugaamiyo oo buuraha Galgala soo saaro.” ayuu yiri Xasan Cismaan wasiirka amniga iyo hub ka dhigista Puntland.

Aloore wuxuu sheegay markhaatiyaal iyo dhacdooyin la taaban karo oo ay u hayaan eedaynta ay u jeediyeen Soomaaliland. “Way wada socdeen dadka deegaanka ayaana sheegay oo xaqiiq cad weeyaan.”

Aloore waxa uu ku goodiyay inay tilaabo adag ka qaadi doonaan haddii ay Somaliland dhibaatada ay wado joojin.

Socdaalka uu Gaas maanta ku tagay Galgala ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili dhwaan Alshabaaab weerar gaadmo ah ku dileen taliyihii ciidamada Puntland ee aaga Galgala Col. Afguduud.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.