Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Puntland Gaas Oo Kormeray Xerooyinka Ciidamada Magacaabayna Agaasimaha Madaxtooyada

Garowe, Mareeg.com: Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan qaar kamid ah, Shaqaalaha Madaxtooyada, Wasiiradii hore, Xildhibaano, Saraakiil iyo marti sharafkale waxa ay booqasho ku tageen xerada 54aad oo ay ku jiraan ciidanka Daraawiishta Puntland, Garoonka diyaaradaha ee caasimadda Puntland, Qaar kamid ah Wasaaradaha, iyo xarumaha dowladda.

Madaxweynaha cusub iyo Madaxweynaha xilka wareejiyey ayaa salaan sharaf ka qaatey cutub ka mid ah ciidanka daraawiishta ee Puntland, kadibna waxaa ay u kuurgaleen xaaladda ciidanka. Waxaana ay warbxin ka dhegsyteen taliyaha Ciidanka difaaca ee Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere).

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa hadda degan guri ku yaala magaalada Garoowe dhexdeeda, waxaana uu ballan qaadey in uu si dhaw ula shaqeynaayo Madaxweynaha cusub isla markaana siinayo tallooyn wax ku ool ah maadaama uu shan sano ku soo dhexjirey shaqada Cadbdiweli maanta u bilaamatey.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ayaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland u Magacaabay Dr Deeq Suleymaan Yusuf.

Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada waa Aqoonyahan ku Takhasusay Cilmiga Bulshada, waxaana Seddex Degree oo labo ay tahay Master’s Level uu ka qaatay Dalka Ingiriiska gaar ahan Magaalada London.

Waxaana uu si gaar ah u bartay BA (HONS) Social Welfare- Brunel London University, Masters Degree in Refugee Studies University Of East London, Masters Degree Social Work Brunel University London UK.

Dr Deeq Suleymaan Yusuf wuxuu la soo Shaqeeyay Institute of Peace and Security Studies oo ka mid ah Jamacadda Addis Ababa iyo African Union Qaybta Peace And Security Programme Expert Consultant oo uu u qabilsanaa Cilmi baarista dib u xasilinta Dalka Somalia.

Dr Deeq Suleymaan Yusuf wuxuu ka soo shaqeeyay Dalka Ingiriiska, isagoo ka soo qabtay Xilal ay ka mid ahayeen Senior Social Worker, Senior Substance Misuse Practitioner, Care Manager, Senior Care Coordinator, Senior Mental Health Practitioner, Senior Community Development Officer.

Sidoo kale Deeq wuxuu ahaa la taliyaha Ra’iisul wasarihii hore ee Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Arrimihii Road Map-ka Gaar ahaan Maamul Wanaagga.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.