Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Boqortooyada Belgium * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Boqortooyada Belgium

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Belgium wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, Roxane de Bilderling.

Madaxweynaha ayaa Danjiraha u ballanqaaday in si buuxda ay Dowladda Soomaaliya ula shaqeyn doonto, uuna ku faraxsan yahay doorka Belgium-ka ee arrimaha Soomaaliya.

Danjire de Bilderling ayaa sheegtay in dalkeeda oo xubin ka ah Midowga Yurub uu diyaar u yahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Dowladda Belgium waxay ballanqaadday inay Soomaaliya kala shaqeyn doonaan arrimo badan sida amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.belgim

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!