Madaxweynaha oo Shirka Maamul u sameynta Sh/Dhexe & Hiiraan furay

Read Time:47 Second

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa 15kii September 2016 magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa uu si rasmi ah mar kale ugu furey shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Shirka ayaa odayaalwaxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya iyo inta badan odayaasha labada gobol ee maamulka loo sameynaayo. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada ee Xukuumadda Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha dhexe, qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ayaa munaasabada hadalo ka jeediya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa waxaa uu ka hadlay ahmiyadda uu leeyahay in la helo maamul ay ku mideysan yihiin labadan gobol, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la isu tanaasulo isla markaana la is kaashado. Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in odayaasha dhaqanka ee labada gobol looga baahan yahay in ay mas’uuliyad isa saaraan isla markaana aysan jirin cid xaqeeda la duudsiin doono.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %