Madaxweynaha oo gudoomiye cusub u magacaabay Shabeellaha Dhexe (Dhageyso) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha oo gudoomiye cusub u magacaabay Shabeellaha Dhexe (Dhageyso)

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabaya gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaweynaha Soomaaliya ayaa Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) loogu magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo xilka laga qaaday gudoomihii hore, Cabdi Jiinow Calasow.

Wareegtada uu Madaxweynaha uu xilka uga qaaday Cabdi Jiinow, laguna magacaabay Cali Guudlaawe ayaan laga baahiyey Radio Muqdisho.

Cabdi Jiinow ayaa xilka Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe ahaa muddo labo sano, kaasoo uu dhamaadkii sanadkii 2011 uu magacaabay Madaxweynihii dowladii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayey warar sheegaya in xilka laga qaadi doono Cabdi Jiinow Calasow, iyadoo arrintaas ay kasoo horjeesteen siyaasiyiin dhowr ah.

Halkaan ka dhegeyso xilka ka qaadista Cabdi Jiinow

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!