Madaxweynaha oo la kulmay Guddiga Bad-baadinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha oo la kulmay Guddiga Bad-baadinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen (Sawirro)

May 21 (Mareeg)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddiga Bad-baadinta iyo samata bixinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay ku guda jiray howlo loogu gurmayo dadka ka soo cararaya colaadaha Yemen.

Kulankan ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, Guddiga Bad baadinta qaxootiga Yemen iyo Ururada bulshada.

Guddoomiyaha Guddiga Bad-baadinta iyo samta bixinta Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ka hadlay howsha guddiga oo uu sheegay in dadaal badan ay sameeyeen oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Yemen, isla markaana lacagaha ay dadka Soomaaliyeed ka soo uruuriyeen ay si Alle ka cabsi ah u gaarsiinayaan qaxootigaas ka imaanaya Yemen.

Guddiga ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa uu qabanayay barnaamijyo lacago loogu yaboohayay, si wax loogu qabto qaxootiga ka imaanaya Yemen, waxaana Idaacadaha Muqdisho si toos ah uga baxayay barnaamijka yabooha ahaa oo siyaasiyiinta, ganacsatada iyo shirkadaha ganacsi ay lacago ka ballan qaadayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya in ay wado dadaalo ay ku bad-baadineyso dadka Soomaaliyeed ee Yemen colaadu ku heyso, waxaana uu xusay in shaqaalaha rayidka ah, Ciidamada qalabka sida, laga goynayo qidmooyin lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Madaxweynha ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay caawiyaan qaxootiga Soomaaliyeed, isla markaana ay si walaaltinimo iyo ixtiraam ay ku jirto ay u soo dhoweeyaan muwaadiniinta Yemen ee dalkeena u soo qaxay oo uu tilmaamay in Yemen horey ay abaal weyn ay inoo galeen sida uu yiri Madaxweynuhu

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!